Somalia: Shir mooshinka looga hadli lahaa oo baaqday

Image

07 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta baaqday shir uu shaaciyay Gudoomiyaha Barlamanka Somalia oo looga hadli lahaa mooshinka dhawaan la laalay ee laga keenay Madaxweynaha Somalia.

Lataliyaha Gudoomiye Jawaari, Cumar Aadan Qaadi  oo la hadlay warbaahinta Afka Dowladda Somalia ku hadasha, ayaa tilmaamay in kulanka dib loo dhigay inta laga gaarayo 10 Bishan aan ku jirno.

Sababta loo baajiyay ayaa lagu sheegay maqnaanshaha Ra'isul wasaare Sharmake, waxaana uu tilmaamay ka qayb galkiisu inuu yahay muhiim.

Arrinta kale ee baajisay ayaa wararka Garowe Online helayo xusayaan inay tahay Xildhibaanada ka qayb gali lahaa oo sheegay inaysan tagi doonin.

Dhawaan qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoonka Barlamanka ayaa lagu sheegay in la laalay mooshinkii laga keenay Xasan Sheekh, arrinkaasna waxaa ka horyimi Xildhibaanada keenay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM