​Somalia: Turkiga oo saldhig Military ka furanaya Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Dowladda Turkiga ayaa soo gaba-gabeysay dhisme ay ka waday magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, kaasoo ay ku shaqayn doonaan ciidamo waddankaasi ka socda.

Saldhigan oo dhinaca xeebta laga dhisay ayaa hadda la qalabeeyay, waxaana la keeni doonaa ilaa 200 oo Askari, kuwaasoo la sheegay inay gacan siin doonaan ciidamada dowladda Federalka Somalia.

Qorshahan oo ku yimid hishiis dhexmaray labada waddanka ayaa wajiga Koowaad, waxaa xukuumadda Ankara, tababari doontaan 10,500 oo Askari kuwaasoo kamid noqday ciidamada Somalia.

Waxaa la sheegay in ciidamadan Military ee Turkiga kasocda muddo kooban joogi doonaan gudaha Caasumadda Muqdishu.

Saldhiggan, oo ay ansixisay Qaramada Midoobay, ayaa noqon doona kii Labaad ee xukuumadda Edogan ku yeelato dunida, marka laga reebo Saldhig ay xkuumadda Ankara ka furatay Bishii April ee Sanadkan Dalka Qadar , kaasoo qayb ka ahaa heshiiskii iskaashiga ammaanka oo labadaas dal ay horay u gaareen.

Turkiga ayaa kamid ah waddamada Taageera dowladda Somalia, dhinac dhaqaale.

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli magaalada Muqdishu amnigeedu xumaadda muddooyinkii dambe islamarkaana haatan la isu diyaarinayo doorashada madaxtinimo ee dhici doonta 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM