Somalia: Wariye qarax lagula beegsadey magaalada Muqdisho

Image

Dec 3, 2015 (GO)- Hindiya Xaaji Maxamad oo ka shaqeyneysay idaacada Muqdishu ee ku hadasha afka dowlada Federaalka ayaa qarax lagu beegsadey gaarigeeda duhurnimadii maanta xilli ay mareysay agagaarka KM4.

Wariyahaan oo dhaawac culus kasoo gaarey qarax lagu rakibey gaarigeeda ayaa u geeryootey galabta makhribkii mid kamid ah isbitaalada ku yaala magaalada Muqdishu

AHN Hindiya oo u shaqeyneysay talifishinka SNTV ayaa sidoo kale sanadkii 2012 qarax lala beegsadey lagu diley odeygeeda. Liibaan Cali Nuur ayaa uga tagey Hindiya labo caruur ah.

Somalia ayaa kamid ah wadamada ugu badan caalamka ee lala beegsado wariyeyaasha dilalka iyo xariga sharci darada ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM