Somaliland: Dab la qabadsiiyay guriga taliyaha ciidanka booliska Gobolka Awdal

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegaya  in dad caraysan dab qabadsiiyeen guriga uu daganyahay taliyaha ciidanka booliiska gobolkaasi.

Waxaa gubtay gabi ahaa wixii yallay guriga iyadoo dadka rabshadaasi sameyay guriga ka saareen dadkii ku sugnaa ka hor intaysan gubin.

Arrintan ayaa daba socota rabshad shalay ka dhacday garoonka kubadda cagta ee magalada Borama oo lagu ciyaarayay koob ka socda magaladaasi.

Ciidanka booliska ayaa fawdo shalay dhacday ku dilay hal qof oo shacab ah mid kalena dhaawacay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo gubay guriga taliyaha balse, waxaa loo malaynayaa in dadkaasi ka xunyihiin falka ay gaysteen ciidamada booliiska gobolkaasi.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaysan arrinta guriga la gubay daba socon falka, waxaana magalada Borama ku sugan tiro wasiiro ah oo u yimi inay baaraan dhibka dhacay.

Guriga lagubay, waxaa gaaray ciidamada booliiska Somaliland, waxaana damintiisa ka qayb qaatay gawaarida dabdamiska magaladaasi.

Amniga magalada Borama ayaa maalmihii dambe faraha ka baxay ka dib rabashado hareeayay iyo weeraro ay geesanayaan ciidamo taabacsan Suldaan Wabar oo ka soo horjeeda mowqifka Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM