Somaliland: Dab la qabadsiiyay guriga taliyaha ciidanka booliska Gobolka Awdal

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya magalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegaya  in dad caraysan dab qabadsiiyeen guriga uu daganyahay taliyaha ciidanka booliiska gobolkaasi.

Waxaa gubtay gabi ahaa wixii yallay guriga iyadoo dadka rabshadaasi sameyay guriga ka saareen dadkii ku sugnaa ka hor intaysan gubin.

Arrintan ayaa daba socota rabshad shalay ka dhacday garoonka kubadda cagta ee magalada Borama oo lagu ciyaarayay koob ka socda magaladaasi.

Ciidanka booliska ayaa fawdo shalay dhacday ku dilay hal qof oo shacab ah mid kalena dhaawacay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo gubay guriga taliyaha balse, waxaa loo malaynayaa in dadkaasi ka xunyihiin falka ay gaysteen ciidamada booliiska gobolkaasi.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaysan arrinta guriga la gubay daba socon falka, waxaana magalada Borama ku sugan tiro wasiiro ah oo u yimi inay baaraan dhibka dhacay.

Guriga lagubay, waxaa gaaray ciidamada booliiska Somaliland, waxaana damintiisa ka qayb qaatay gawaarida dabdamiska magaladaasi.

Amniga magalada Borama ayaa maalmihii dambe faraha ka baxay ka dib rabashado hareeayay iyo weeraro ay geesanayaan ciidamo taabacsan Suldaan Wabar oo ka soo horjeeda mowqifka Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM