Somaliland: Khasaaro ka dhashay weerar lagu qaaday Gudoomiyaha gobolka Owdal

Image

07 Octobar, 2015(GO)-Labo ka mid ah ilaalada Gudoomiyaha gobolka Owdal ee Somaliland  Maxamuud Cali Saleebaan ayaa lagu dilay ka dib weerar lagu qaaday guriga uu ka daganyahay magalada Boorama.

Weerarka, waxaa kaloo lagu dhaawacay labo ruux oo shacab ah.

Lama oga cidda ka dambaysay weerarka  balse waxaa looga shakisanyahay kooxo ku jira buuraha kana amar qaata Suldaan Wabar oo ka soo horjeeda maamulka Somaliland.

Gudoomiyaha la weeraray ayaa la sheegay inuu caafimaad qabo, wax dhib ahna ka soo gaarin arrinka ka dhacay gurigiisa.

Maamulka Somaliland,ayaa falkaan ku eedeeyay ciidamada Suldaan Wabar, waxaana falkaasi loo xiray ganacsato iyo odoyaal.

Ma aha markii ugu horraysay oo mas'uul ka tirsan Somaliland lagu weeraro magalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Suldaan Wabar ayaa haatan la sheegay inuu ku suganyahay dalka Ethopia, waxaana uu si weyn u dhaliilsanyahay siyaasadda Somaliland isagoo aaminsan in Somalia ay tahay hal dal oo qura.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM