Somaliland: Murashaxa madaxweyne ku-xigeenka xibiga UCID oo is-casilay

Image

23 November, 2015(GO)-Murashaxii madaxweyne-ku-xigeenka ee Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay in uu iska casilay jagadaas iyo xubinnimadii xisbiga.

Wareysi uu siiyey VOA-da ayuu Cabdirashiid waxa uu ku sheegay in sababta iscasilaaddiisa ay tahay khilaaf uu sheegay inuu kala qaybiyay xisbiga UCID. 

Cabdirashiid Xasan waxa uu ku eedeeyey hoggaanka xisbigaasi in uu qayb ka yahay burbur uu sheegay inuu aaminsan yahay inuu ku soo fool leeyahay xisbiga UCID, hase ahaatee hoggaanka xisbiga ayaa isna dedafeeyay eedayntaas.

Cabdirashiid, si cad uma sheegin cidda uu sheegay inay dumineyso xisbiga UCID, hase yeeshee waxa uu guddoomiye Feysal Cali Waraabe ku eedeeyey inuu arrintan xalin karin waayey.

Feysal Cali Waraabe oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in xisbiga UCID uu waqti badan ku bxiyey oo aysan suurtagal ahayn inuu gacantiisa ku dumiyo.

 Xigasho: VOA

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM