Somaliland oo iska fogeysey eedeyntii Puntland

Image

January 31, 2015 (GO)- Maamulka Somaliland ayaa iska fogeeyey eedeyn shalay oo Jimce ahayd uga timid dhanka Puntland, taasoo la xiriirtey in Somaliland si qarsoodi ah ula degtey hubkii saarnaa markabkii todobaad kahor kusoo xirtey dekeda Berbera.

Wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland Cali Maxamed Cilmi oo la hadlay laanta afka-Soomaaliga ee Idaacada VOA, ayaa sheegay in eedeyntaasi tahay mid been abuur ah oo aysan haba yaraatee waxba ka jirin.

Cilmi ayaa sidoo kale sheegay in haddii Somaliland hubkaas iyadu leedahay aanay warbaahinta ka sheegteen indhaha caalamkana kusoo jeediseen, balse ay si qarsoodi ah ula degi lahayd.

"arinkaas waxan u arkaynaa hadal gef ku ah Somaliland...hubkaas Somaliland baa qabatey Somaliland baana haysa...haddaan leenahay waan qarsan lahayn laakiin caalamka iyo cid walba waan u bandhignay ilaa inta uu ka cadaanayo" ayuu yiri.

Mar la weydiiyey macluumaadka ay ka hayaan hubkaas iyo halka loo wadey, wuxuu sheegay inay jiraan warar sheegaya in laga soo raray deked ku taalla dalka Sudan loona wadey Imaaraadka Carabta, balse taas aan wax caden ah loo haynin.

Puntland ayaa walaac ka muujisey hubkaas oo sida ay sheegtay halis gelin kara ammaanka gobolka Geeska Afrika, islamarkaana ay suurogal tahay inuu gacanta u galo kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta buuraleyda Golis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM