Somaliland oo Ka Hadashay Dalabka Xasan Sheekh u gudbiyay Mareykanka ee Dekadda Berbera

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Abdirahman Dahir Aden, ayaa si adag uga hadlay qorshaha Dowladda Soomaaliya ay ku siinayso Mareykanka maamul gaar ah ee saldhigga Berbera, isagoo ku tilmaamay arintan “dadaal rajo beel ah.”

Wasiirka oo qoraal adag soo dhigay boggiisa baraha bulshada, ayaa ku eedeeyay hoggaanka Soomaaliya inay "ku dheggan yihiin go'aano qalad ah" oo uga hor-istagayo "aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland."

Somaliland ayaa wadey qorshe ah inay Mareykanka siiyo Berbera oo saaran badda Cas, si halkaan saldhig uga sameysto oo Xuutiyiinta ugala dagaalamo, taaso bedelkeedana ay ka hesho aqoonsi. Laakiin Xasan Sheekh ayaa raba inuu ka hor tago taaso, oo siiyo Trump saldhiyada si shuruud la'aan ah.

Hadalkan ayaa ka dambeeyay warbixino ka soo baxay kadib markii la arkay warqad uu Xasan Sheekh u qoray Trump 16-kii bishan taasoo ugu soo bandhigay Mareykanka in Soomaaliya diyaar u tahay inay siiso dowladda Mareykanka 3 garoon diyaaradeed iyo 2 dekadood, si xiriirka loo xoojiyo.

Falanqeeyayaasha ayaa soo jeedinaya in dalabka Soomaaliya ee loogu talagalay Mareykanka uu noqon karo isku day lagu horjoogsado Somaliland aqoonsi la sheegay inuu siin doono Trump. 

Dowladda Soomaaliya ayaa weli si xoogan uga soo horjeedda in Somaliland loo aqoonsado sidii waddan madax-bannaan. Lama oga sababta ku kaliftay inuu Xasan Sheekh Mareykanka siiyo goobahan muhiimka ah, ee ku yaalla meelaha istaraatiijiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM