Somaliland oo ka hadashay dilkii hoggaamiyaha Al-Shabab

Image

[GO, Sabti, Sep 6, 2014] Mamulka Somaliland ayaa shaaciyay inay soo dhawaynayaan dilka hoggaamiyihii hore ee kooxda Al-Shabab Cabdi Godane oo duqayn cirka kaga timi ku geeriyooday.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo warbaahinta kula hadlayay Hargaysa ayaa sheegay inay xaq tahay in hoggaamiyahaasi laga taqaluso maadama uu ku sheegay nin daalin ah.

Axmed Cabdi Godane oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ayay diyaaradaha  Drones-ka  ee Maraykanku leeyahay ay ku dishay Magaalada Baraawe ee koonfurta Somalia.

Dhowr jeer oo hore ayaa lagu eedeeyay Somaliland inay soo dhawaysay Hoggaamiye Godane oo la aaminsan yahay marwadiisa inay ku nooshahay magalada Hargaysa, Puntland ayaa ka mid ah dowladaha ku eedeeyay Mamulka Hargaysa inay marti galiso Xaqjirkaasi.

Godane ayaa mamulka Ururka Al-Shabab qabtay 2008 ka dib markii la dilay Aadan Xaashi Cayrow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM