Somaliland oo ka walaacsan dhismaha ciidanka cirka Soomaliya

Image

December 5, 2015 (GO)- Somaliland ayaa walaac ka muujisay qorshaha Dowladda Turkigu waddo ee la doonayo in dib loogu dhiso ciidamadii cirka ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland Axmed Cali Cadami ayaa sheegay in xilligan aysan munaasib ahayn in Soomaaliya yeelato ciidamo cirka ah, maadaama arrintaasi tahay mid halisteeda leh - waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cadami oo waraysi gaar ah siiyey wargeys Hargeysa kasoo baxa oo lagu magacaabo Dawan, wuxuu intaas raaciyey in Somaliland weli xusuusan tahay waxyeelladdii kasoo gaartey ciidamada cirka ee Soomaaliya.

"Waxan leenahay Dowladda Turkiga, Somaliland dhibkii hore ee kasoo gaadhay ciidanka cirka Soomaaliya mid kale ha ugu darinina...Dowladda Turkiga loogama fadhiyo in ay abaabusho halkii laga soo weerari lahaa Somaliland iyo inta lamid ah" ayuu yiri.

Sanadkii 2011, markaasoo macaluuli ka jirtey qaybo kamid ah gobollada koonfureed ee dalka, ayaa Madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan -oo xilligaas ra'isul wasaare ahaa- iyo xaaskiisu booqasho taariikhi ah ku yimaadeen magaalada Muqdisho. 

Laga soo bilaabo waqtigaas, Dowladda Turkiga waxay xoojisey taageerada dhaqaale ee ay siiso Soomaaliya, inkastoo badi wax-qabadkeedu ku kooban yahay magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM