Somaliland oo kahor timid magacaabista Yuusuf Garaad

Image

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland oo qaadacdey magacaabida Yuusuf Garaad ayaa ku tilmaamtay "dagaal siyaasadeed oo lagu qaadey" ololaheeda baadigoobka gooni-u-goosashadda.

Wasaaradda arrimaha dibada maamulka Hargeysa ayaa ku wargelisay Beesha Caalamka in aysan aqoonsaneyn Yuusuf Garaad oo laga dhigay Ergayga Soomaaliya ee Isbaheysi Sacuudigu dhisay.

Yuusuf Garaad, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa Arbacadii waxaa loo magacaabay Ergayga Soomaaliya ee Geeska Afrika, Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed.

"Sidda ku cad khariiradda Qaaradda Afrika ee lagu saleeyay xuduudihii gumeysiga, Soomaaliya meel kuma leh gacanka cadeed," ayaa lagu yiri bayaankan nuqul kamid ah uu arkay bogga GO.

Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ayaa kamid ah Isbaheysiga. Balse waxay dooneysaa in ciidankeedu ka howlgalaan biyaha Soomaaliya iyo Eritrea ayna maamusho dekadaha Soomaaliya.

Dhanka kale, qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in aysan jirin wakiilo ku metela baarlamaanka Soomaaliya. Tani waxay timid iyaddoo doorasho soo dhow-dahay.

Kuraasta gobolada waqooyi ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu muransan yahay waxaana madaxda waqtiga kasii dhacayo doonayaan in ay u maamulaan si danahooda ku jirto.

War-saxaafadeedka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM