Somaliland oo ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay wado qorshe “dagaal ah”

Image

Hargeysa – Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay wado qorshe “dagaal ah” oo la xiriira maareynta hawada iyo duulimaadyada cirka, iyada oo sheegtay in tallaabadaasi loogu talagalay in lagu ciqaabo shacabka Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, oo maanta la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in “dagaalka cirka” ee u dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka uu yahay mid siyaasadaysan oo lagu doonayo in lagu cadaadiyo Somaliland.

“Waa ceeb iyo fadeexad in dowladda Soomaaliya iyo shacabka ay wali ku hawlan yihiin dadaal ay ku dhibayaan Somaliland, inkasta oo ay ku fashilmeen himilooyinkoodii hore. Waa khalad weyn oo ay galaan iyagoo sheeganaya in ay doonayaan ‘Soomaaliweyn,’ balse dhab ahaantii ay ujeedadoodu tahay in ay dhibaateeyaan shacabka Somaliland,” ayuu yiri Wasiir KhadarGuddoomiyaha KAAH saddex arrimood kama hadli karo: mid waa hawada, laba waa biyaha, saddexna waa musuqmaasuqa.

Wasiirku waxa uu eedeyn u jeediyay Muuse Xaashi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee KAAH, isaga oo sheegay in uu ahaa ninkii saxeexay heshiiskii maamulka hawada lagu wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilligii uu ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawada ee xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

“Sidee ayey ku heleen maamulka hawada? Anagaa u wareejinnay, annagaa ogolaanay inay maamulaan. Ninkii saxeexay waa Guddoomiyaha Xisbiga KAAH,” ayuu yidhi Wasiir Khadar.

“Guddoomiyaha KAAH saddex arrimood kama hadli karo: mid waa hawada, laba waa biyaha, saddexna waa musuqmaasuqa,” ayuu raaciyay.

Wasiir Khadar ayaa sheegay in inta hawada Soomaaliya ay hoos tagnayd kormeer caalami ah, Guddoomiye Xaashi uu si toos ah ugu wareejiyay maamulka dowladda federaalka, taas oo uu ku tilmaamay sababta keentay khilaafka maanta taagan. Guddoomiye Xaashi ayaa dhowaan sheegay in arrinta maamulka hawadu tahay imtixaan siyaasadeed oo horyaalla xukuumadda Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan hirgelisay nidaamka E-Visa, kaas oo waajibinaya in dhammaan dadka aan haysan baasaboorka Soomaaliya — oo ay ku jiraan kuwa Somaliland — ay dalbadaan fiiso kahor inta aysan iman dalka. Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga horjeesatay nidaamkaas, balse dowladda federaalka ayaa ku adkeysanaysa in ay tahay hay’adda keliya ee mas’uulka ka ah maamulka hawada iyo socdaalka dalka oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM