Soomaali laga cabsi qabo in ay ku dhinteen doon degtay

Image

DJIBOUTI, Jabuuti – Soomaali badan ayaa laga cabsi qabaa in ay kamid yihiin ugu yaraan 20 qof oo la tuhunsan yahay in ay ku nafwaayeen doon ay la socdeen oo ka baxdey Jabuuti taasoo ku rogmatay waqoyga waddankaas.

Maxamed Cabdulqaadir, agaasimaha Geeska Afrika ee Hay'adda Socdaalka Aduunka ee IMO, ayaa Twitter-ka ku shaaciyey in muqalasiinta ay doonta ka tuureen dadkaas markii ay ku rareen tirro ka baxsan xadkeeda.

Sidda uu ka dhawaajiyey agaasime goboleedka, muqalasiinta ayaa kalkii horey saarey doonta 80 qof taasoo keentay in markii ay badda galeen ay culeys dareento doonta isla markaana ay xaaladda ku adkaatay.

Iyadda oo dhalinyaradda Afrikaanta ah ay Yemen u tahay marin ay kusii gaaraan qaaradda Yurub, sidda uu shaaciyey Cabdulqaadir, tani waa dhacdadii saddexaad wax ka yar muddo lix bilood ah, waxaana ku naf-waayey 70.

Yvonne Ndege, oo ah afhayeenka IMO oo u warantay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu Agency, ayaa shaaca ka dhigtay in illaa haatan la helay meydadka shan qof, kuwaasoo gacanta mas'uuliyiinta.

"Muhaajiriinta oo u badan Itoobiyaan iyo Soomaali ayaa doonayey inay gaaraan Sacuudiga iyagoo raadinaya shaqooyin markay soo maraan Yemen. Kumanaan qof ayaa halkaas ku xayiran qaar badanna waxay ku xaniban yihiin xarumaha dadka lagu hayo," ayay hadalkeeda kusii dartay haweenaydan.

Jabuuti, waxay dhanka koonfur xuduud la leedahay Soomaaliya iyo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ka xiga dhanka bariga, waana dal yar oo ku yaal Geeska Afrika balse ay fariisin ku leeyihiin awoodaha caalamka oo idil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM