Soomaali lagu dilay weerar ka dhacay Koonfur Afrika

Image
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintey mid kalana wuu ku dhaawacmay laba weerar oo kala duwan.

CAPE TOWN, South Africa - Laba qof oo Soomaali ah ayaa lagu beegsadey weeraro k ala duwan oo ka kala dhacay laba magaalo oo ku yaala waddana Koonfur Afrika, sidda ay wararku sheegayaan.

Weerarka koowaad oo lagu bartilmaameedsadey laguna khaarijiyey Salmaan Cabdullaahi Cusman ayaa ka dhacay magaalada Queenstown oo dhacda gobalka Eastern Cape.

Cusmaan Cabdullaahi Maxamed ayaa, sida ay xaqiijiyeen ehelaldiisa, waxaa lagu dhaawacay weerarka labaad oo xaafadda Keystana ee hoostagta degmada Cosmo City ee magalada Johannesburg.

Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika ayaa sheegay in kooxaha burcadda ah ay sidoo kale dab qabadsiiyeen dukaankii uu ku ganacsanayey Salmaan "kadib markii ay si xun u dileen".

Booliska Koonfur Afrika oo tagay meesha ay wax ka dhaceen kadib markii ay heleen warbixin degdeg ah ayaa sameeyay baaritaano aysan wali soo bandhigin maxsuulka dhabta ah ee kasoo baxay.

"Booliska Koonfur Afrika mar walba waxaa caado ah marka dhibaato loo geysto ajaaniibta way ka gaabsadaan mana la ogga sababta ay salka ku hayso arrintaas," ayuu yiri mid kamid ah Soomaalida.

Soomaalida ayaa kamid ah bulshooyinka sida ba'an loogu dhibaateeyo Koonfur Afrika balse si weyn uga qeyb-qaata horumarka waddanka maadaama ay yihiin canshuur-bixiyeyaal ganacsiyo ku leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar Hoobiye oo lagu qaadey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Garoonka Aadan Cadde ayaa hoy u ah xafiisyada Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah safaaradaha shisheeye.

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 09:11AM

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM