Soomaaliya oo ka dhuumatay cambaareynta duulaanka Ruushka

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa tani bedelkeeda waxay ugu baaqdey muwaadiniinteeda in ay ka baxaan dalka Ukraine.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa ku biirtey dalalka caalamka ee muwaadiniintooda ugu baaqaya in ay si deg-deg ah uga baxaan dalka Ukraine kadib markii uu kusoo duulay waddanka Ruushka.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in dowladda ay diyaarisay nidaam lagu daad-gurenayo Soomaalida ayna maareynayaan safaaradaha Brussels iyo Berlin.

Qoraalkan ayaan aan lagu adeegsan kalmadda reer galbeedka ku cambaareynayaan Moscow ee "duulaanka Ruushka ee Ukraine" taas bedelkeedana lagu soo koobay "xaaladda amni ee ka jirta Ukraine".

"Marka la eego xaaladda amni ee ka jirta dalka Ukraine, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay kula talinaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, oo ay ku jiraan ardaydu, in ay la xiriiraan Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin, si loogu fidiyo caawimaad degdeg ah, looga na daadgureeyo dalkaas," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku howlan tahay diyaarinta waddooyinka suurtagalka ah ee lagaga daadgurayn karo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Ukraine iyo bixinta adeegyadooda qunsuliyadeed ee muhiimka ah".

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqaysaa in muujiyaan feejignaan aad u sarraysa, sidoo kalena ilaashadaan dokumentiyada aqoonsigooda," ayaa lagu soo xiray.

Dunida ayaa si weyn u cambaareysay duulaanka Ruushka ee Ukraine, waxaana ay kusoo rogeen xayiraadyo dhanka dhaqaalaha kaasoo la filayo in uu wax ka badan ka bedeli doono nidaamka maaliyadda ee aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM