Soomaaliya oo ka dhuumatay cambaareynta duulaanka Ruushka

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa tani bedelkeeda waxay ugu baaqdey muwaadiniinteeda in ay ka baxaan dalka Ukraine.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa ku biirtey dalalka caalamka ee muwaadiniintooda ugu baaqaya in ay si deg-deg ah uga baxaan dalka Ukraine kadib markii uu kusoo duulay waddanka Ruushka.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in dowladda ay diyaarisay nidaam lagu daad-gurenayo Soomaalida ayna maareynayaan safaaradaha Brussels iyo Berlin.

Qoraalkan ayaan aan lagu adeegsan kalmadda reer galbeedka ku cambaareynayaan Moscow ee "duulaanka Ruushka ee Ukraine" taas bedelkeedana lagu soo koobay "xaaladda amni ee ka jirta Ukraine".

"Marka la eego xaaladda amni ee ka jirta dalka Ukraine, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay kula talinaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, oo ay ku jiraan ardaydu, in ay la xiriiraan Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin, si loogu fidiyo caawimaad degdeg ah, looga na daadgureeyo dalkaas," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku howlan tahay diyaarinta waddooyinka suurtagalka ah ee lagaga daadgurayn karo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Ukraine iyo bixinta adeegyadooda qunsuliyadeed ee muhiimka ah".

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqaysaa in muujiyaan feejignaan aad u sarraysa, sidoo kalena ilaashadaan dokumentiyada aqoonsigooda," ayaa lagu soo xiray.

Dunida ayaa si weyn u cambaareysay duulaanka Ruushka ee Ukraine, waxaana ay kusoo rogeen xayiraadyo dhanka dhaqaalaha kaasoo la filayo in uu wax ka badan ka bedeli doono nidaamka maaliyadda ee aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM