Soomaaliya: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa Maanta dib ugu laabtay magaaladda Kismaayo kadib safar uu ku tagey Nairobi, Kenya, kaasoo beeniyay hadalkii dowladda Soomaaliya ee ahaa inuusan dalka ka bixi karin.

Madaxtooyadda Jubaland wali ma aysan soo saarin qoraal ay ku fahfaahinayso socdaalka Axmed Madoobe ee Kenya iyo natiijada kulamadii uu lasoo yeeshay diblomaasiyiinta Beesha Caalamka iyo arrimaha kale ee ku heeran safarka.

Dowladda Soomaaliya ayaa cabasho u gudbisay Kenya markii diyaarad laga leeyahay dalkaas, ay hawada soo gashay kadib Axmed Madoobe kasoo qaadey Kismaayo, iyadoo hay'adda duulista rayid sheegtay inay jebisay sharciga isticmaalka hawada Soomaaliya, oo ogolaansho la'aan soo gashay, kana baxday.

Waxay dowladda u yeertay safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho, iyadoo sidoo kale wadatashi ugu yeertay safiirka Soomaaliya ee Nairobi, laakiin markii dambe ka laabatay go'aano ay rabtay inay ka qaadato xiriirka Kenya, oo dano badan Xasan Sheekh uga xiran yihiin, oo ay kamid tahay Qaadka.

Markii uu tagey Nairobi, waxaa soo baxayay warar ku saabsan inuusan Axmed Madoobe dalka kusoo laaban karin, iyadoo hadda soo laabtay, lama oga qaabka, laakiin waxaa muuqata in amarkii dowladda fuli waayay, oo cadaatay inaysan Jubaland arrimaheeda wax go'aan ah ku lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM