Soomaaliya: Caro ka dhalatay hooyo uur lahayd oo saygeeda uu gubay
MUQDISHO, Soomaaliya - Caro xoogan ayaa waxa ay ka dhalatay dil fool xun oo nin uu xaaskiisa oo uur lahayd ugu geystay xaafad ka tirsan degmadda Dharkiinley ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Falkan ayaa dhacay habeenimadii Jimcaha todobaadkii hore. Balse, marxuumada ayaa geeriyootay subaxnimadii Jimcaha maanta ah. Tani waxay ka dhigan tahay in ay isbitaal ku jirtey hal asbuuc.
Sidda ay sheegeen ehelkeeda, Luul Cabdicasiis oo ahayd hooyadda lix caruur agoon ah ayaa u dhimatay dhaawacyo kasoo gaarey dab uu qabad-siiyay saygeeda sababo ku aadan maseer.
Meydka oo aan la aasi doonin
Qoyska oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee isbitaalka ay ku naf-baxdey marxuumada ayaa waxa ay sheegeen in aysan aasi doonin meydka illaa gacanta lagu soo dhigayo "gacan-ku-dhiiglaha".
"Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waxaan ka dalbanaynaa inuu degdeg usoo farageliyo arrintan oo cadaaladda naloola horgeeyo daalimka sidda arxan-darada ah u dilay gabadheena," ayay sheegeen.
Eedeysanaha ayaa, sidda ay caddeynayaan wararka, waxa uu ka dhoofay garoonka Aadan Cadde maalintii Sabtida uu habeenkeeda geystay falkan isla markaana uu u jarmaadey gobolada dhexe ee dalka.
Saddex casho loo qabtey "dilaaga"
Saraakiil dhanka ammaanka ah oo la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyay in ay hayaan raadkiisa balse waxay ka gaabsadeen in ay bixiyaan fahfaahin si uusan uga soo cararin halka uu joogo.
Geesta kale, mas'uuliyiin ay kamid yihiin Xildhibaano, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda oo aragtidooda ku muujiyay baraha bulshadda ayaa cambaareeyay falkan oo ay ku qeexeen "wuxushnimo".
Luul oo lahayd uur lix bilood ah ayaa la sheegay in ay kamid ahayd howlwadeenadda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halka saygeeda ay ku baxdey gacantiisa uu kamid ahaa shaqaalaha dekeda Muqdisho.
Hogaanka dalka oo farageliyay kiiska
Dhanka kale, mas'uuliyiin ka socday dowladda federaalka ayaa gelinkii dambe maanta tagay guriga qoyska dhibka soo gaartey iyaga oo wakiil ka ah hogaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Saraakiishan oo ka kala socotay booliska iyo nabad-sugida ayaa muddo saddex maalmood ah qabsadey in ay kusoo gacan-gelinayaan "dambiilaha" isla markaana ay mudadaas ka war sugaan dowladda.
"Qoyska waxa ay ku adkeysteen go'aankooda ah in aysan aasi doonin marxuumadda illaa laga soo qabanayo oo cadaaladda la horgeynayo gacan-ku-dhiiglaha wayna isla qaateen arrinkaas," ayuu yiri hal goobjooge.
GAROWE ONLINE