Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo dilay xubno Daacish katirsan

Image

Calmiskaad, Puntland – Ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgal ka dhacay buuraleyda Calmiskaad ku dilay 7 xubnood oo katirsanaa kooxda ISIS, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen miinadii dhulka lagu aasay ee dishay Taliye Sare, Jeneraal Qalyare, oo ahaa taliyaha Guutada 2-aad ee Daraawiishta Puntland.

War kooban oo ka soo baxay Howlgalka Hillaac maalintii Axadda ayaa lagu sheegay in dagaalka uu ka dhacay deegaanka Dhasaan, halkaas oo sidoo kale hal dagaalyahan oo ISIS ah la qabtay.

Ilo madax bannaan ayaa xaqiijiyay in Puntland ay ku weyday hal askari howlgalkaasi, halka saddex kale dhaawacmeen. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in maydadka dagaalyahanadii la dilay la soo bandhigi doono Isniinta.

Afhayeenka Howlgalka Hillaac, Jeneraal Maxamuud Faadhig, ayaa sheegay in kooxda la weeraray ay ku sugnaayeen qiyaastii 60 km u jirta halka uu ku dhintay Gen. Qalyare. Wuxuu ku tilmaamay dagaalka mid xooggan oo khasaare badan lagu gaarsiiyay kooxda, isagoo xusay in unugga ISIS ee la beegsaday gabi ahaanba la burburiyay.

Gen. Faadhig ayaa intaas ku daray in saddex xubnood oo katirsanaa ISIS ay ka baxsadeen weerarka, islamarkaana ciidamada Puntland ay haatan daba joogaan. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dhigista miinooyinka dhulka la geliyo ay weli tahay mid ka mid ah xeeladaha ugu waaweyn ee ay kooxda ISIS u adeegsato dagaalka ay kula jirto Puntland.

Gen. Qalyare, oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa ciidamada Puntland, ayaa todobaadkii hore ku dhintay qarax miino xilli uu horkacayay howlgal ka socda buuraleyda gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM