Soomaaliya: Dagaal culus oo ka socda duleedka Balcad

Image

BALCAD, Soomaaliya - Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo Al Shabaab ayaa goordhaw ka qarxay duleedka degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka aan ka helayno dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu billowday kadib markii xoogag hubaysan oo katirsan Al Shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Militariga dowladda.

Dagaalka xoogiisa waxa uu ka socdaa meel lagu magacaabao Faarax Golaleey, halkaasi oo Al Shabaab ku weerartay Gaadiid dagaal iyo ciidamo la socday oo saaka ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeday degmada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka culus iyo kan fudud, iyadoo dhawaqa rasaasta laga maqlayo deegaano fog oo degmada Balcad kamid tahay. Illaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha iska hor-imaadka socda.

Fahfaahinta kala soco wararka dambe ee Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM