Soomaaliya: Dagaal ka ku socda Deegaanno Hoostaga Moqokori

Image

Hiiraan – 5 Luulyo 2025 – Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay garab siinayaan xoogagga deegaanka ee Macawiisleyda ay weerar qorsheysan oo xooggan ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanno ku dhow degmada Moqokori.

Howlgalka ayaa bilaabmay waaberigii hore ee saakay, iyadoo ciidamada iskaashanaya ay si toos ah ugu dhaqaaqeen deegaanka Gumarre, halkaas oo ay Al-Shabaab muddooyinkii dambe isku uruursanayeen. Dagaal xoog leh kaddib, waxaa la xaqiijiyay in ciidamada ay la wareegeen deegaankaasi.

Iska horimaadyo kale ayaa markaas kaddib ka qarxay Ceel Qooxle iyo tuulooyin kale oo hoos taga Moqokori, waxaana laga soo sheegayaa dagaallo culus oo wali socda. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa rasaasta iyo hubka culus ee labada dhinac ay isweydaarsanayaan, taas oo cabsi ku abuurtay shacabka ku nool nawaaxiga.

Ilaa hadda lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha, balse warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in uu jiro dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaray, iyadoo aan weli la helin xaqiijin madax-bannaan.

Saraakiil amni ayaa sheegay in ujeedada howlgalka ay tahay in la jebiyo isku-day kasta oo kooxda Al-Shabaab ay ku dooneyso in ay dib uga soo muuqato deegaannada hoostaga Moqokori, kuwaas oo dhowaan laga saaray inta badan fariisimahoodii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM