Soomaaliya: Duqeyn cirka oo ka dhacday duleedka Kismaayo

Image

MUQDISHO - Ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka kaasoo ka dhacay deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 35 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday koox ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay weerar ay ku qaadaan deegaankaasi, iyadoo warar horudhac ah ay xaqiijinayaan in 10 ka tirsan kooxda lagu dilay goobta la duqeeyay, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

Sarkaal katirsan Ciidanka ayaa sheegay in howlgalkan uu hoosta ka xariiqayo sida ay uga go’an tahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, si looga adkaado Al-Shabaab loogana hortago weerarada ay ka fulinayso dalka.

Tallaabooyinka noocan oo kale ah ayaa muujinaya dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, oo mudoka badan 30 sano colaado kusoo jiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM