Soomaaliya: Fariin loo direy Baarlamaanka oo sheegaysa kulan Sabtida ah – Buuqa oo sii xoogeysanaya

Image

GAROWE ONLINE – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa iney cirka isku sii shareerto, iyadoo wararka Garowe Online helay ay sheegayaan in xildhibaanada Golaha loo diray fariimo ku wargelinaya in kulanka Baarlamaanka uu dib u furmi doono maalinta Sabtida.

Fadhigii ugu dambeeyey ee Golaha ayaa suurtagal noqon waayey kadib markii uu hareeyey sawaxan iyo is-hortaag ay sameeyeen xildhibaano ka biyo diidan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kuwaasoo dalbanaya in la horkeeno mooshin xil ka qaadis ah.

Warar aan si rasmi ah shaaca looga qaadin  ayaa sidoo kale sheegeya in xildhibaanada wada mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha ay diyaar u yihiin in ay mooshinkooda joojiyaan, haddii uu Guddoomiyahu aqbalo inuu qabto mooshin kale oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, taasoo noqon doonta heshiis siyaasadeed oo labada dhinac ka gaaran muranka taagan. 

Wararka ayaa intaas ku daraya in kulanka berri uu guddoomin doono Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, maadaama Guddoomiye Aadan Madoobe uu safar ugu baxay dalka Aljeeriya, xilli uu jiro muran siyaasadeed gudaha Golaha.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo hal sano oo kaliya ka harsan tahay muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiir: Puntland kama qeybgalayso Shir aan ahayn Gogoshii MW Deni iyo Beesha Caalmka ku baaqeen

Mar hadii shirarka Gollaha Wadatashiga aan looga hadlayn arrimaha muhiimka ee la isku khilaafsan yahay ee salka ku haya dastuurka...

  • Soomaliya

    02-05-2025

  • 05:33PM

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM