Soomaaliya: Hogaaminta Xasan Sheekh oo aad loo dhaliilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saddex hogaamiye siyaasadeed, oo kala ah Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre iyo C/raxmaan C/shakuur ayaa si adag u dhaliilay hogaaminta Xasan Sheekh, iyagoo sheegay in Soomaaliya halista kusoo wajahan u baahan tahay in lagu wajaho midnimo, wadajir iyo talo-wadaag.

Qoraal ay sii saareen si wadajir ah, ayay ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin habdhaqanka hogaamineed ee Xasan Sheekh uu kula tacaalayo khataraha ay kamid yihiin kuwa AS, Daacish, damaca Itoobiya ee badda dalka iyo khilaafka Puntland.

Waxay sidoo kale sheegeen in boobka iyo Xaraashka dhulalka danta Guud ee ku yaalla Muqdisho ay soo kordheen, iyadoo Madaxtooyadda aysan waxba ka qabanaynin, xili shacabka uga fadhiyeen wax-qabad iyo tallaabooyin wax-ku-ool ah.

"Talooyinka fool ka foolka ah iyo kuwa qoraalka ah ee aan ka siinay arrimaha Madaxweynaha waxay u muuqdaan kuwa ku dhacay dhego-furaysan," ayay sheegeen.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Soomaaliya ku hogaaminayo siyaasad kaligii-duulnimo taasoo aan lahayn qorsho cad iyo istaraatiijiyad ku qeexan howlaha mudnaanta leh iyo kuwa dib loo dhigayo ee xukuumadda qabato.

Xasan Sheekh ayaa waxay sheegeen inuu isku xiray dagaalka ka dhanka ah AS, oo hadii isaga siyaasad ama arrimo kale ku mashquulay, aysan hogaanka Ciidanka wax qaban karin, iyadoo taasna sababtay in goobihii la xoreeyay dib ugu noqdaan gacanta cadowga.

Waa dhaliishii ugu adkayd oo Xasan Sheekh loo jeediyo, waxayna imaanaysaa xili dib u dhac wayn ku yimid waqtigii la filayay in la qaado wajiga 2aad ee howlgalka Ciidan ee dalka lagu xoreynayo.

May be an image of textMay be an illustration of textMay be an illustration of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM

Maxaa looga hadlay shirka saddex-geesood ah ee ka dhacay Jabuuti?

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    12-03-2026

  • 09:36AM