Soomaaliya: Imisa qof ayaa ku barakacday dagaalka Ceerigaabo?

Image

CEERIGAABO - Ku dhawaad ​​43,000 oo qof ayaa laga barakiciyay guryahoodii kadib dagaal xoogan oo ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ku dhex maray magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, sida ay sheegtay hay’adda UNOCHA Salaasadii.

Rabshadahan oo dhacay 14-kii bishan December, ayaa galaaftay nolosha dad ay ku jiraan carruur, kuwaas oo ka dhacay koonfurta magaalada Ceerigaabo iyo nawaaxigeeda.

Barakacayaasha ayaa u qaxay Ceel Afweyn iyo Laasqoray oo ka tirsan Sanaag, iyadoo qaar kalena ay ku wajahan yihiin Boosaaso, Laascaanood, Xuddun iyo Burco, inkastoo aan la hayn tirada dhabta ah ee goobahaas.

UNOCHA waxay aqoonsatay shuruudaha degdega ah ee loo baahan yahay barakacayaasha, sida hoy, biyo, fayadhowr, cunto, daryeel caafimaad, iyo waxbarasho. Colaadda ayaa curyaamisay hawlihii gargaar ee bini'aadantinimo, iyadoo ganacsigii gudaha iyo iskuulladiiba uu hakad galay.

Tan iyo 16-kii bishii December waxaa magaalada Ceerigaabo dib ugu soo laabtay nabad aan taagnayn oo ay dib uga gurteen ciidamada SSC-Khaatumo, balse xaaladdu weli way kacsan tahay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ah.

Wasaarada Arimaha Gudaha,Federaalka Iyo Dib U Heshiisiinta Somaliya Oo Ku Baaqday Xabad Joojin Deg Deg Ah Ceerigaabo

Aaggu waxa ay xudun u ahayd iska hor imaadyada soo noqnoqday; Bishii Agoosto 2024, sagaal qof ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay agagaarka Goof, oo 40 km u jira Ceerigaabo, kaasoo lala xiriirinayo fal aargoosi ah oo la sheegay.

Hay'adaha samafalka ayaa la halgamaya inay qiimeeyaan baahiyaha barakacayaasha iyadoo ay sii socdaan caqabadaha ammaanka iyo xannibaadaha gelitaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM