Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhowr arrimood

Image
Wasiiradda arrimaha dibada labada dal ayaa yeeshay wadahadalo dhanka telefoonka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya — Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa maanta oo Talaado ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Azerbaijan.

Cabdisaciid Muuse Cali iyo Jeyhun Bayramov ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dal, sida ay sheegtay Wasaaradda arrimaha dibadda.

Bayaanka wasaaradda ayaa lagu yiri: "Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda ku lafo-guray sidii ay Labada Dowladood u yeelan lahaayeen iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, ganacsiga iyo waxbarashada".

"Iyaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay Labada Dal u leedahay horumarinta cilaaqaad ku qotoma danaha qaran ee Labada Shacab iyo Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Azerbaijan," ayaa la raaciyey.

Wadaxaajoodkan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo Turkiga ay isku raaceen baaritaan lagu sameeyo Soomaali ku dhimatay xuduudka Turkey iyo Gariiga qabow daran awadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu Khatar Gelinayaa Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya

Waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibada caalamiga ah inay si dhab ah u taageeraan shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:32AM

Hormuud Salaam Foundation oo Xarigga Ka Jartay Laami Muhiim ah oo Ay Ka Dhistay Xaafadda Calanleey ee Kismaayo

Laamigan cusub, oo ay maalgelisay Hormuud Salaam Foundation waxaa hirgelisay shirkadda dhismaha ee Al-Buruuj.

  • Soomaliya

    14-05-2025

  • 06:24PM