Soomaaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxiixday Heshiisyo Iskaashi

Image
Image
Image

Baku, Azerbaijan – Febraayo 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev, ayaa maanta ku kulmay magaalada Baku, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal.

Heshiisyada la saxiixay ayaa diiradda saaraya waxbarashada, tamarta, amniga, iyo horumarinta maamulka. Azerbaijan ayaa ogolaatay in ay Soomaaliya ka taageerto kobcinta waxbarashada, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, iyo horumarinta cilmi-baarista. Sidoo kale, waxaa la isku afgartay iskaashi dhanka tamarta, gaar ahaan shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

Dhinaca amniga, labada dal ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeynta tababarada ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada. Waxaa sidoo kale la isku raacay casriyeynta maamulka dowliga ah iyo dardargelinta adeegyada dadweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumay dhiggiisa Azerbaijan, Ilham Aliyev, inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya, si loo sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Azerbaijan ayaa imaanaya xilli kulan madaxda aduunka iskugu imaanaysay oo lagu qabaneyey Dubai laga casumay madaxweynaha maamulka Somaliland. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM