Soomaaliya iyo Cumaan oo kawada hadlay hirgelinta duulimaadyo toos ah

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigii uu hoggaaminayey ee socdaalka shaqo ku joogay wadanka Cummaan oo shirar gaar-gaar ah iyo booqashooyin ku saabsan iskaashi Ganacsi oo dhex-mara labada dal ka sameynaayey Saldanada Cummaan, ayaa isaga iyo weftigiisa oo uu wehelinaayey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Saldanada Cummaan Danjire Cabdiweli Cali Axmed (Jaylaani), waxa ay booqasho ku tageen Warshadda soo-saarta Saliidda iyo Warshadda soo-saarta sidoo kale na farsamaysa fiilooyinka xambaara Internet-ka xawaraaraha sare leh ee wadankaasi.

Wasiirka, ayaa madaxda Warshadahan kala hadlay siddii ay u maal-gashan lahaayeen Soomaaliya, waxaana uu ku dhiiri-geliyey inay faracyo warshadahan oo kale ah ay ka furtaan gudaha wadanka Soomaaliya.

Dhanka kale, Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu la kulmay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee Saldanada Cummaan Md. Axmed Bin Maxamed Al-Futaisi ahna guddoomiyaha shirkadda ASYAD oo ah shirkad maamusha dekadaha iyo weli ba goobaha Ganacsiga ee xorta ah. Waxa kale oo shirkaddani ay ka shaqeysaa daabulka iyo gaadiidka wadankaasi.

Labada Wasiir, waxay ka wada-hadleen siddii ay iskaga kaashan lahaayeen Ganacsiga Gaadiidka isla markaana loo heli lahaa duulimaad toos ah oo Cumaan iyo Soomaaliya ah.

Waxa kale oo ay isla soo hadal-qaadeen siddii loogga faa’ideysan lahaa marin biyoodka isku xidha badweynta Hindiya iyo Badda cas oo uu maro Ganacsiga ugu badan ee iskaga goosha qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub.

Wasiiradu, waxa kale oo ay ka wada-hadleen fursadaha Maal-gashi ee ka jira Soomaaliya gaar ahaan dekadaha iyo garoomada diyaaradaha Soomaaliya, waxaana ay isla garteen in labada dhinac ay is-dhaafsadaan aqoonta iyo khibradaha la xidhiidha Ganacsiga Gaadiidka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa kale oo uu la kulmay Wakiilka Wasaaradda Beeraha iyo Kalluumaysiga ee dalka Cummaan Dr. Sucuud Bin Xamuud Bin Axmed Al-Xabsi oo ay ka wada-hadleen siddii dalaga Beeraha iyo Kalluunka Soomaaliya looggu iib-geyn lahaa dalka Cummaan iyo inay iska kaashadaan sare-u-qaadidda tayada Kalluunka iyo Dalaga Beeraha.

Ugu dambeyntii, ujeedada safarka Wasiirka ee dalka Cummaan, ayaa ahayd siddii loo ballaadhin lahaa suuqyada loo iib-geyn karo badeecadaha Soomaaliya loona heli lahaa suuqyo cusub oo loo iib-geyn karo badeecadaha wadankeena.

Wasaarada Ganacsiga Soomaaliya

Related Articles

Safiir Hore oo Mareykan ah: Soomaaliya Waxaa Hortaagan Qabyaalad iyo Khilaaf Siyaasadeed

Digniinta Andre ayaa ku soo beegmeysa xilli ay Soomaaliya wajahayso marxalad kala guur ah, doorashooyin soo socda iyo xaalad amni oo wali aad u liidata.

  • Soomaliya

    29-05-2025

  • 02:48PM

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM