Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kawada hadlay hagaajinta xiriirka

Image
Cilaaqaadka labada dal ayaa meeshii ugu hooseysay mudadii uu xafiiska joogay Farmaajo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa maanta oo Arbaco ahayd khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Imaraadka Carabta.

Sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Mudane Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan wuxuu uga tacsiyeeyey dhibbaneyaasha weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Abu Dhabi.

Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa "ka wada hadlay hagaajinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah," ayay raacisay wasaaradda.

Bayaankan lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee wasaaradda ayaa lagu caddeeyay "in labada mas'uul ay si lamid ah isdhaafsadeen aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran".

"Waxaana Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu ugu hambalyeeyay Wasiiru-dowlaha ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya oo xumaa mudadii uu xafiiska joogay Farmaajo waxaa dhowaan dib u soo nooleeyay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble kaasoo cudurdaar ka bixiyey dhacdadii Dubai looga qabtey $10-ka milyan ee madaarka Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM