Soomaaliya iyo IOM oo ka shiray ka hortagga qulqulka tahriibka

Image
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha tahriibka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Xamza Aadan Xaadoow, ayaa kulan Muhiim ah la qaadatay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Manuel Marques Pereira, iyagoo ka wada hadlay Socdaalka joogtada ahayn iyo saameyntiisa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha tahriibka iyo yareynta dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ay sababaan tahriibka, iyo sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xaqiijinta waddooyinka socdaalka ee badbaadada leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray sidii la isku waafajin lahaa dadaallada IOM iyo Qorshaha Isbeddelka Qaran ee Soomaaliya, kaas oo ah istaraatiijiyad shanta sano ah oo lagu dhaqaajinayo horumarka dalka ee dhinacyada muhiimka ah, Mudane Xamza Xaadow ayaa ku nuux-nuux saday in Wasaaradda ay hormuud ka tahay kobcinta wadashaqeynta iyo horumarinta himilooyinka Soomaaliya, waxa uuna caddeeyay doorka ay ku leedahay horumarinta dadaallada lagu dhisayo Qaran horumarsan.

Mr. Marques Pereira ayaa bogaadiyay habka firfircoon ee Wasaaradda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo saaxiibada caalamiga ah inay diiradda saaraan fursadaha horumarineed ee Soomaaliya.

Waxa uu ku celiyay taageerada IOM ee ajendaha isbeddelka Qaran ee Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay iska kaashadaan hindisayaasha kobcinaya horumar waara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM

Saxiimad lagu burburiyey meel u dhow xeebaha Eyl—afar qof oo la sheegay inay dhinteen

Wararka qaarkood waxay sheegayaan in saxiimaddu ku sii jeedday markabka MV Sward…

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 04:16PM