Soomaaliya iyo Itoobiya oo soo afmeeray khilaafkii ka dhaxeeyay

Image
Booqashadan wafdiga Itoobiyaanka ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee wasiiro ka socda Itoobiya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Itoobiya ay gadaal ka dhigeen khilaafkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay.

Isagoo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, kaddib kulamo uu la qaatay wasiirka gaashaandhigga Itoobiya Caasha Maxamed iyo wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Mesganu Arga, ayuu Fiqi ku dhawaaqay inuu dhammaaday khilaafkii dublamaasiyadeed ee daba-dheeraaday.

“Arrimihii aan kala kulanay Itoobiya waxaa lagu xaliyay samir ay Soomaaliya yeelato oo ay ku kalsoon tahay howshaas, inkastoo Itoobiya ay horay u qabsatay dhulkeenna,” ayuu yiri.

Booqashadan wafdiga Itoobiyaanka ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee wasiiro ka socda Itoobiya ay ku yimaadaan Muqdisho tan iyo markii uu bilaabmay khilaafka dublamaasiyadeed kadib markii Itoobiya ay bishii January 2024 heshiis la gashay maamulka Somaliland ka goostay, waxaanay u ogolaatay inay hesho badda iyo saldhiga badda si ay u aqoonsato madax-banaanida Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Duqeyn cirka oo ka dhacday duleedka Kismaayo

Tallaabooyinkan ayaa muujinaya dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, oo mudoka badan 30 sano colaado kusoo jiray.

  • Soomaliya

    05-01-2025

  • 05:53PM

Fiqi oo dalbaday inuu la kulmo Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya

Muujinta niyad wanaaga iyo garab istaaga Syria ee xiliga ay Soomaaliya u baahan tahay waxa ay ku reebtay raad aad u dheer.

  • Soomaliya

    05-01-2025

  • 02:39PM