Soomaaliya iyo Norway oo ka shiray xakameynta cudurka Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Norway, Ine Eriksen Soreide, ayaa yeeshay kulan dhanka internet-ka ah [video conference].

Dhinacyadda ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka labada dowladood, dadaallada lagu xakameynayo COVID-19 iyo arrima kale oo muhiim ah, sidda lagu sheegay war qoraal ah.

Sidda ku cad war-saxaafadeedka, Khayre ayaa dowladda Norwey uga mahad celiyay taageerada hanaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo gaaritaanka Barta Go’aanka [decision Point].

Bayaankan uu arkay Garowe Online ayaa intaas ku daray in uu cadeeyay in dowladdu sii wadeyso dadaallada deyn nadiifinta inta laga gaarayo Barta dhammaadka [completion point].

Soreide ayaa lagu waramay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay "guusha uga soo hoyatay dadaalladii deyn cafinta".

Sidoo kale, waxaa la sheegay in ballan qaaday in Norway ay sii wadeyso garab istaagga dowladda, si loo dhammeystiro geeddi socodka soo kabashada iyo horumarka Soomaalida.

Dowladda Norway ayaa, sidda uu carabka ku adkeeyay qoraalka, waxay qayb ka tahay waddamada dowladda Soomaaliya ka taageera nabadayta, xasiloonida iyo barnaamijyadda horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM