Soomaaliya iyo Qadar oo xoojinaya iskaashiga dhaqaalaha iyo aminga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka arrimadda dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo mudane Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga.

Qatar ayaa kamid ah Dowladaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida joogtada ah uga taageera hir-gelinta mashaariicda horumarineed iyo dib-u-dhiska dalka.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM