Soomaaliya iyo Uganda oo ka shiray ajendaha Afrika ee Golaha Ammaanka

Image
Arrimaha laga hadlay waxaa kamid ah barnaamijyadda ay labada dal wadaagaan ee hay’adaha UNEP.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku simaha Safiirka dalka Uganda u fadhida dalka Kenya Danjire Eunice Kigenyi, ayaa booqatay Safiirka Soomaaliya Mudane Jabril Ibrahim Abdulle.

Wadahadalada dhexmaray labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray arrimaha danaha u ah labada dal.

Arrimaha laga hadlay waxaa kamid ah barnaamijyadda ay labada dal wadaagaan ee hay’adaha UNEP, UN-Habitat ee fadhigooda yahay Magaalada Nairobi.

Sidoo kale, waxay kwada hadleen ajendaha qaarada Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM