Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Image

Kampala, Uganda – Soomaaliya iyo Uganda ayaa la filayaa inay kala saxiixdaan saddex heshiis is-afgarad ah (MoUs) intii uu socdo Kalfadhiga Labaad ee Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka ah (Joint Permanent Commission - JPC) oo lagu qabanayo magaalada Kampala 7–8 Oktoobar 2025.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan shirkan oo lagu magacaabay "Shirka Maalgelinta iyo Ganacsiga".

Shirkan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, waxaana halkudhiggiisu yahay: "Xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Uganda iyada oo loo marayo ganacsi, maalgelin iyo dalxiis, iyo ka faa’iideysiga fursadaha labada dal."

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal. Kalfadhigii ugu horreeyay waxa uu sidoo kale ka dhacay Kampala bishii Agoosto 2022.

Saddexda MoU ee la filayo in la saxiixo ayaa la rumeysan yahay inay daboolayaan arrimo ay ka mid yihiin:

  • Iskaashiga ganacsiga iyo maalgelinta
  • Horumarinta dalxiiska
  • Kobcinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka amniga

Waxaa la rajeynayaa in shirka uu furo fursado hor leh oo ku saabsan ganacsiga xorta ah, kobaca dhaqaalaha, iyo iskaashi istiraatiiji ah oo waara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad ku taalla Gaalkacyo oo xukun dil ah ku ridday haweeney lagu helay dilka Sabiriin 

Dhinaca kale, maydka Sabiriin, oo aan la aasin intii ay socotay dacwadda, ayaa lagu wadaa in galabta loo gudbiyo qoyskeeda si loogu aaso.

  • Soomaliya

    24-11-2025

  • 01:25PM

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM