Soomaaliya iyo UK oo ka shiray "ixtiraamka madax-baannaanida"

Image
Tani ayaa imaanaya xilli baarlamaanka Ingiriiska uu ka doodayo qadiyadda Somaliland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska, Vicky Ford.

Sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibadda Soomaaliya, labada mas'uul ayaa "ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee Labada Dal".

Cali iyo Ford ayaa si lamid ah diiradda saarey kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Bayaanka wasaaradda ayaa la raaciyey: "Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali [wuxuu] uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya".

Wadaxaajoodkan ayaa kusoo aadaya xilli baarlamaanka Ingiriiska uu ka doodayo qadiyadda gooni-isu-taaga maamulka Somaliland kadib soojeedin ka timid Xildhibaan Gavin Williamson oo dhowaan booqdey magaaladda Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM