Soomaaliya: Kaarka Aqoonsiga NIRA oo Abuuray Walwal Aad u Xoog Badan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Daabacaadda kaarka aqoonsiga cusub ee Soomaaliya oo NIRA bixiso, ayaa dhalisay walwal weyn oo ka dhex jiro shacabka, kuwaasoo ka cabsi qabaan in kaarkaas loo isticmaali karo in lagu boobo doorashooyinka lagu muransan yahay ee "hal qof, hal cod" oo Villa Somalia u qorsheysay qaab kasoo laaban karo Xasan Sheekh.

Shacabka Soomaaliya ayaa si weyn uga walwalsan arrinta sirta shaqsiyadeed, gaar ahaan maadaama xogta laga helo kaararkaasi lagu kaydinayo serverro yaalla Pakistan. Mashruucan oo ay maalgelinayso Bankiga Adduunka, ayaa ujeedkiisu yahay in la fududeeyo xaqiijinta codbixiyeyaasha iyadoo guddiga doorashada uu kaashan doono kaararka aqoonsiga inta lagu guda jiro geedi socodka doorashada.

Gudoomiyaha guddiga doorashada ee muranka badan dhaliyay dhismihiisa, Cabdi Kariim Axmed Xasan, ayaa horey uga mid ahaa ololaha doorashada madaxweynaha hadda jooga Xasan Sheekh, taasoo sababtay shaki ku saabsan dhexdhexaadnimada hanaanka doorashada.

Mucaaradka waxay ka cabsi qabaan in kaydinta xogta shacabka ee lagu keydinayo dibadda iyo xiriirka xubnaha guddiga doorashada madaxda dowladda Federaalka ay khatar gelin karto daahfurnaanta iyo kalsoonida doorashada, taas oo halis ku ah dimuqraadiyadda dalka.

Dad badan ayaa aaminsan in Soomaaliya aysan awoodin xiligan inay qabato doorasho dimuqraadi ah sanadka soo socda, iyadoo la tixgelinayo caqabadaha kala duwan. Caqabadahani waxaa ka mid ah waqtiga kooban ee dowladda u haray mudo xileedkeeda oo 15 bilood ah, qeybo badan oo dalka ka mid ah oo gacanta ugu jira gacanta Al-Shabaab, iyo sidoo kale maamulada Puntland iyo Jubaland oo xiriirka u jaray dowladda dhexe.

Labada maamul ee Federaalka iyo hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxda Villa Somalia in ay jebiyeen dastuurka, oo isbeddelo lagu sameeyay iyada oo aan la helin heshiis guud, iyo dhismaha guddiga doorashada oo aan loo dhamayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadka ku nool Soomaaliya oo 50% aan haysan Koronto ku-filan

Madaxweynaha ayaa tilmaanay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan oo la xiriira cusboonaysiinta Tamarta.

  • Soomaliya

    29-01-2025

  • 05:59PM

Madaxda Soomaaliya iyo Ghana oo ku kulmay Shirka Tamarta Afrika

Hoggaamiyeyaashu waxay sidoo kale ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay isdhaafsiga dhaqanka iyo iskaashiga waxbarasho.

  • Soomaliya

    29-01-2025

  • 02:48PM