Soomaaliya: Maalinta AIDS-ka oo Muqdisho laga xusay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maalintii shalay, 1-da December magaalada Muqdisho laga xusay maalinta AIDS-ka Adduunka, iyadoo Soomaaliya aan ka jirin tira-koob lagu sameeyay dadka xanuunka la nool.

Munaasabadda lagu xusayay Maalinta AIDS-ka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Caasimadda, iyadoo ay kasoo qeybgaleen mas'uuliyiin, marti-sharaf iyo bukaano qaba HIV AIDS.

Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada ee Golaha Aqalka Sare Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle oo kamid ahaa dadkii ka hadlay munaasabada, ayaa sheegay in cudurkan uu dhibaato weyn uu ku haayo Soomaaliya, loona baahan yahay in laga wacyi-geliyo bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Eng Yariisow, ayaa isna hadal jeediyay, wuxuuna ku baaqay in aan la fuquuqin dadka qaba cudurkan, isagoo tilmaamay in Dowladda ay ka go’an tahay in bulshada ay gaarsiiso adeegyada caafimaad, ee ay u baahan yihiin.

Fowsiya Abuukar Nuur, Wasiirka Caafimaadka ayaa balan qaaday inay wax u qaban doonto, islamarkaana kulan la qaadan doonto dadka la nool xanuunka HIV/AIDS-ka ee kunool dalka, si looga warhaayo xaaladooda.

Waxay codsaday in meel looga soo wada jeesto sidii wax looga qaban lahaa xanuunkan dilaaga ah, oo hadda Soomaaliya kusii badanaya, iyadoo aan jirin dowladda awood badan oo koontaroosha cudurada dibadda looga soo gudbiyo wadanka.

Dhanka kale, Culimada Diinta Islaamka waxay isku raaceen in qaabka kaliya ee looga badbaadi karo qaadista HIV/AIDS-ka uu yahay dhowrsanaan iyo in laga fogaado Zinada/macsiyada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM