Soomaaliya: Maalinta AIDS-ka oo Muqdisho laga xusay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maalintii shalay, 1-da December magaalada Muqdisho laga xusay maalinta AIDS-ka Adduunka, iyadoo Soomaaliya aan ka jirin tira-koob lagu sameeyay dadka xanuunka la nool.

Munaasabadda lagu xusayay Maalinta AIDS-ka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Caasimadda, iyadoo ay kasoo qeybgaleen mas'uuliyiin, marti-sharaf iyo bukaano qaba HIV AIDS.

Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada ee Golaha Aqalka Sare Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle oo kamid ahaa dadkii ka hadlay munaasabada, ayaa sheegay in cudurkan uu dhibaato weyn uu ku haayo Soomaaliya, loona baahan yahay in laga wacyi-geliyo bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Eng Yariisow, ayaa isna hadal jeediyay, wuxuuna ku baaqay in aan la fuquuqin dadka qaba cudurkan, isagoo tilmaamay in Dowladda ay ka go’an tahay in bulshada ay gaarsiiso adeegyada caafimaad, ee ay u baahan yihiin.

Fowsiya Abuukar Nuur, Wasiirka Caafimaadka ayaa balan qaaday inay wax u qaban doonto, islamarkaana kulan la qaadan doonto dadka la nool xanuunka HIV/AIDS-ka ee kunool dalka, si looga warhaayo xaaladooda.

Waxay codsaday in meel looga soo wada jeesto sidii wax looga qaban lahaa xanuunkan dilaaga ah, oo hadda Soomaaliya kusii badanaya, iyadoo aan jirin dowladda awood badan oo koontaroosha cudurada dibadda looga soo gudbiyo wadanka.

Dhanka kale, Culimada Diinta Islaamka waxay isku raaceen in qaabka kaliya ee looga badbaadi karo qaadista HIV/AIDS-ka uu yahay dhowrsanaan iyo in laga fogaado Zinada/macsiyada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM