Soomaaliya: Madaxda DFS iyo maamullada oo kulmay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Waxaa goor dhaweyd xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan ku yeeshay Madaxweynaha dowladda Federaalka, Ra'isal wasaaraha, madaxda maamullada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkan oo ahaa mid albaabadu u xirnaa ayaa ka dhacay qaybta VIP-da guriga Madaxweyne Farmaajo ku leeyahay Villa Soomaaliya.

Wararka uu ka helayo kulankaas Garowe Online, ayaa sheegaya inuu ahaa kala warqaadasho iyo is-faham ku aadan ajandayaasha loo ballansanyahay in maanta laga doodo.

Madaxda ayaa is-arkay xilli la filayo in saacadaha soo socda uu ka furmo Madaxtooyada Soomaaliya kulan u dhaxeeya dhinacyadaas oo looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan, amniga iyo la dagaallanka Al Shabaab.

Majirto faah faahin dheeraad ah oo shirkaas saxaafadda laga siiyay, balse dad xog ogaal ah oo la hadlay Warsidahan ayaa sheegaya in madaxdu rabaan inay isku afgartaan qodobada shirka lala tagayo iyo is-waraysi ku aadan xaalka guud ee dalka.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli xaalka amni ee Muqdisho uu kasii darayo iyadoo xalay weerar lagu qaaday guri ay dagaanaayeen madaxda iyo dad shacab ah.

Wixii kasoo kordha kulankaas wararkeen dambe ayaad ku daalacan doontaan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM