Soomaaliya oo Algeria uga qeybgashay tababar la xiriira Golaha Ammaanka

Image
Xubinnimada aan joogtada ahayn Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bilaabanaysa Janaayo 2025.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa ka qeyb galay Shirka 11-aad ee Nabadda iyo Amniga Afrika.

Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa intii uu socday shirka waxaa uu kulan laba geesood ah la qaatay Axmed Attaf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Jaaliyadaha dibadda, iyo arrimaha Afrika.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, iyo sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha Gobolka, iyo sidoo kale u diyaar garowga Soomaaliya ee xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo la filayo inuu bilowdo Janaayo 2025.

Kulanka ayaa waxaa lagu bogaadiyay sumcadda sii kordheysa ee Soomaaliya ee diblomaasiyadda caalamiga ah iyo sida ay uga go'an tahay horumarinta nabadda, Amniga, iyo iskaashiga Arrimaha Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM