Soomaaliya oo bukaankii ugu horeeyay uu u dhintay Coronvirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Arbacadda maanta ah waxay ku dhawaaqdey in qofkii ugu horeeyay uu Coronavirus ugu dhintay Muqdisho.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar, afhayeenka xukuumadda, ayaa bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ku faafiyey in Wasaaradda Caafimaadka ay xaqiijisay dhimashadda.

"Wasaaradda Caafimaadka Somalia ayaa xaqiijisay in uu cudurka COVID-19 u dhintay mid kamida bukaanadii hore loo xaqiijiyay inuu hayo Coronovirus. Bukaankan ayaa ahaa 58 Jir aan Dalka ka bixin, waxaana intii aan la xaqiijin lagu dawaynayay Isbitaalka Aadan Cadde," ayuu yiri Ismaaciil.

Marxuumka oo maalin kahor uu soo ritay cudurka ayaa ahaa qofkii 8aad ee qaadey xanuunka. Sidoo kale, wuxuu ahaa ruuxii labaad ee safar aan kaga bixin Muqdisho ee laga helay.

Magaciisa waxaa lagu sheegay Shariif Maxamed, 58-sano jir. Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in uu ahaa aabaha dhalay agaasimaha guud ee Isbitaalka Banaadir, Fartuun.

Illo wareedyo ayaa intaas ku daraya in saacadihii hore ee maanta ay xaalada caafimaad ee Shariif kasii dartay, taas oo keentay in la geliyo qolka daryeelka deg-deg ah.

Kiisaska cudurka Covid-19 ee gudaha Soomaaliya ayaa haatan garaya todoba, oo laba kamid ah laga soo sheegay degaanada Somaliland. Tirada ajaaniibta waxay mareysaa saddex.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM