Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda madax-bananida Taiwan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale waxay ku celisay in ay si xoogan uga soo horjeedo madax-banaanida ay sheegatoTaiwan una aqoonsan tahay dhul kamid ah Jamhuuriyadda Shiinaha.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in Muqdisho ay ka go’an tahay wanaajinta xiriirka xukuumafda Beijing.

"Soomaaliya waxay muhiimad weyn ayuu u leeyahay cilaaqaadka China, waxaana ay u hogaan-sameysaa siyaasadda hal China, waxayna si xoogan uga soo horjeedaa madax-banaanida Taiwan," ayuu Cawad yiri, sidda ay warisay Anadolu Agency.

Sidda ku xusan warbixinta, Cawad ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay diyaar u tahay fulinta qodobadii ay horey ugu heshiiyeen hogaamiyeyaasha labada dal sigaar ah dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xiriirka laba geesoodka.

Dhawaqa Cawad ayaa kusoo hagaagaya xilli uu wadahadalo dhanka telefoonka ah uu habeenkii Jimcaha la qaatay dhigiisa Jamhuuriyada Shiinaha, Wang Yi.

Taiwan ayaa dowladdo Mareykanka uu kamid yahay u aqoonsan yihiin dal madax-banaan, halka Shiinaha uu u arko dhul, gobol ama qeyb kamid ah dalkiisa.

Bishii Julaayo 1-deeda sanadkan 2020, Taiwan ayaa kudhawaaqdey in ay xiriir la yeelaneyso maamulka Somaliland ee sheegta in uu kamadax-banaan yahay Soomaaliya, balse aduunka u aqoonsanyahay dowlad goboleed.

Bishii August, sanadkan 2020, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo cambaareysay talaabada xukuumadda Taipei ayaa uga digay "go'aanada taxadar la'aanta ah", waxaana ay xusuusisay in ay ixtiraamto madaxbanaanida waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM