Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda madax-bananida Taiwan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale waxay ku celisay in ay si xoogan uga soo horjeedo madax-banaanida ay sheegatoTaiwan una aqoonsan tahay dhul kamid ah Jamhuuriyadda Shiinaha.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in Muqdisho ay ka go’an tahay wanaajinta xiriirka xukuumafda Beijing.

"Soomaaliya waxay muhiimad weyn ayuu u leeyahay cilaaqaadka China, waxaana ay u hogaan-sameysaa siyaasadda hal China, waxayna si xoogan uga soo horjeedaa madax-banaanida Taiwan," ayuu Cawad yiri, sidda ay warisay Anadolu Agency.

Sidda ku xusan warbixinta, Cawad ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay diyaar u tahay fulinta qodobadii ay horey ugu heshiiyeen hogaamiyeyaasha labada dal sigaar ah dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xiriirka laba geesoodka.

Dhawaqa Cawad ayaa kusoo hagaagaya xilli uu wadahadalo dhanka telefoonka ah uu habeenkii Jimcaha la qaatay dhigiisa Jamhuuriyada Shiinaha, Wang Yi.

Taiwan ayaa dowladdo Mareykanka uu kamid yahay u aqoonsan yihiin dal madax-banaan, halka Shiinaha uu u arko dhul, gobol ama qeyb kamid ah dalkiisa.

Bishii Julaayo 1-deeda sanadkan 2020, Taiwan ayaa kudhawaaqdey in ay xiriir la yeelaneyso maamulka Somaliland ee sheegta in uu kamadax-banaan yahay Soomaaliya, balse aduunka u aqoonsanyahay dowlad goboleed.

Bishii August, sanadkan 2020, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo cambaareysay talaabada xukuumadda Taipei ayaa uga digay "go'aanada taxadar la'aanta ah", waxaana ay xusuusisay in ay ixtiraamto madaxbanaanida waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM