Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii Xuutiyiinta ee Riyadh

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si adag u cambaareyneyso cambaareysay weerarkii falaagaa Xuutiyiinta ku ekeeyeen magaala madaxda Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ee Riyadh.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay aad uga xuntahay falkaas xadgudubka ah.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedkan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online, Soomaaliya ayaa "waxa ay u aragtaa weerarkaasi mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga iyo kan bani'aadamnimada iyo dambi argagixiso".

"Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa maleeshiyada Xuutiyiinta oo gantaal baalistik ah ku gantay dhanka Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh iyo dhowr diyaarado aan duuliye lahayn oo miinaysan oo ay ku jihaysay magaalooyinka Jaazaan iyo Khamiis mushaat xilli dambe xalay oo Axad ahayd," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee wasaarada.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Soomaaliya waxa ay u aragtaa weerarkaasi mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga iyo kan bani'aadamnimada iyo dambi argagixiso oo lagu beegsanayay goobo dad rayid ah ay deganyihiin iyo carqalad ka dhan ah dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen, waxayna caddaynaysaa in ay si dhammaystiran u garab taagantahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayna ku taageersantahay dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso difaaca ciiddeeda, kuna sugayso amnigeeda ,bedqabka muwaadiniinteeda iyo dadka degganba, iyadoo ka hortagaysa col kasta oo dhagar huwan".

Xukuumadda Riyadh ayaa sheegtay in Xuutiyiinta ay weeraradaas u adeegsadeen diyaarado drones ah oo lagu soo rakibay walxo qarxa isla markaana nidaamka difaaca Sacuudiga ay hawadda sare ee magaala madaxda ay ku burburiyeen.

Dowladda Soomaaliya oo cilaaqaadka kala dhaxeeya Sacuudi Carabiya uusan wanaagsaneyn tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxwaynaha waqtiga ka dhacay ee Farmaajo ayaa aalaaba garab-istaag u muujisay xukuumada Riyadh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM