Soomaaliya oo digniin u dirtey "dalalka ku cadaadiya in ay la safato"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya waxay dhabarka aadin doontaa waddan walba oo isku daya in uu ku cadaadiyo in ay la safato, siddaas waxaa ka dhawaajiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka, Axmed Ciise Cawad.

Diblumaasiga ayaa hadaladaas ku sheegay wareysi gaar ah oo todobaadkaan uu siiyey warbaahinta maxaliga ah ee Daljir.

"Annaga horta waxaynu nahay dal xor ah qaranimadiisa leh qoladii isku dayda in ay na tiraahdo annaga ama qoladaas waa qolo aan na baranin oo aan na aqoonin. Qolyo badan ayay arrintaasi u suurtoobi weyday," ku jawaabay markii la su'aalay waxay ka yeelayaan hadii uu dal ku cadaadiyo in ay kala saftaan wadan kale oo ay is-hayaan ama khilaaf culus uu kala dhaxeeyo.

Wallow uusan magacaabin wadamada isku dayey in ay cadaadiyaan, wuxuu raaciyey: "Marka annaga nalooma yeerin karo in aan dalal kala doorano".

"Waxa ugu fiican oo aan sameyn karo waa in aan isku soo dhaweyno ama khilaafkaasi nama quseeyee aanu banaanka ka joogno oo dhexdhexaad ka ahaano, waanna isku deynay," ayuu tibaaxay.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli uu taagan yahay is-qabqabsi u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya, kaasoo Muqdisho ay sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay khilaafkaas, wallow ay jiraan warar kale.

Khaahira iyo Addis Ababa ayaa isku haya biyo-xireen loo sameynayo Webiga Niil, kaasoo ay ku baxeyso malaayiin Doolar.

Siyaasiyiinta gudaha ayaa rumeysan in Ergada Soomaaliya ee Jaamacada Carabta ay taageereen qaraar lagu cambaareynayo Itoobiya laguna taageerayo Masar, balse Villa Soomaaliya ay ka noqotay go'aanka.

Xukuumadda ayaa qarisay wafdiga ka yimid Masar oo la kulmay madaxweyne Farmaajo isla markaana ka codsadey in dalka uusan ka noqon taageeradaas, taasoo u muuqaneysa in ay dhacday.

Dowladda madaxweyne Farmaajo iyo maamulka Abiy Axmed ee haatan ka taliya Itoobiya ayaa kawada shaqeynaya qorshaha Is-dhexgalka Geeska Afrika, kaasoo ku saabsan Iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha iyo Ganacsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM