Soomaaliya oo gorgortan ugu jirta iibsashada diyaarado dagaal oo casri ah oo ku kacaya $900 Milyan

Image

MUQDISHO — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadahadallo kula jirta dalka Pakistan si ay u soo iibsato ilaa 24 diyaaradood oo nooca JF-17 Thunder Block III, sida ay sheegtay warbaahinta Business Insider Africa.

Heshiiskan, oo lagu qiyaasay qiimihiisu ilaa 900 milyan oo doollar, ayaa loo arkaa maalgashigii ugu weynaa ee dhinaca difaaca ee Soomaaliya samayso muddo tobanaan sano ah, iyadoo la doonayo in dib loo dhiso awoodda ciidanka cirka dalka.

Warbixinta ayaa sheegtay in Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali, uu bishan Febraayo 2026 booqday magaalada Islamabad si uu u dardargeliyo wadahadallada la xiriira helitaanka diyaaradahaas.

Soomaaliya ayaa hadda ka mid ah dalalka leh awood ciidan oo xaddidan marka loo eego qaaradda Afrika, sida lagu sheegay qiimeynta Global Firepower ee sanadka 2026, taasoo qorshahan ka dhigaysa mid muhiim u ah xoojinta difaaca hawada iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Wadahadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo gobolka ka jira, oo ay ka mid yihiin muranka ku saabsan hawada Geeska Afrika iyo isbeddelka xiriirrada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay dalalka gobolka, oo ay ku jirto u dhowaanshaha Saudi Arabia iyo hoos u dhaca xiriirka ay la lahayd United Arab Emirates.

Pakistan ayaa la sheegay inay Soomaaliya u soo bandhigtay diyaaradaha JF-17 oo ka jaban kuwa reer Galbeedka, iyadoo qiimaha hal diyaarad lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 30 ilaa 40 milyan oo doollar.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu xaqiijinayo madax-bannaanida hawada dalka, isaga oo xusay in “hawada Soomaaliya ay tahay inay gacanta ugu jirto Soomaalida.”

Soomaaliya, oo lagu tiriyo dalalka leh ciidammada ugu liita caalamka, ayaa wadahadallo kula jirta dalka Pakistan si ay u iibsato ilaa 24 diyaaradood oo nooca JF-17 Thunder Block III, taas oo noqon karta maalgashigii ugu weynaa ee dhanka difaaca ah muddo tobanaan sano ah, sida ay sheegtay warbaahinta Defence Security Asia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM