Soomaaliya oo heshay qeybtii u horeysay ee talaalka Covid-19

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay la wareegtay qeybtii ugu horeysay ee talaalka safmareenka Coronavirus [Covid-19].

Talaalka oo ka kooban 300,00 goojo ayaa, sidda ku xusan qoraal kasoo baxay Waaxda Caafimaadka Soomaaliya, wuxuu noociisu yahay Oxford/Astrazenica.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in talaalka ay kaliya heli doonan shaqaalaha caafimaadka ee safka hore kaga jira ka hortaga cudurka iyo dadka nugul.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka Soomaaliya, ergyaga Qaramada Midoobay, James Swan iyo mas'uuliyiin kale ayaa soo dhaweeyay diyaaradda keentay talaalka.

Wasiir Fowziya ayaa war-saxaafadeedka wasaaradda waxaa lagu sheegay in ay uga mahadcelisay "guud ahaan cid walba oo gacan ka geysatay in dalka uu helo talaalka".

"Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay dedaal ku bixisay in la kordhiyo qoondada Soomaaliya ee talaalka oo haatan ah 20% guud ahaan dadka Soomaaliyeed," ayay xustey.

Soomaaliya ayaa, sidda ay muujineyso warbixintii u dambeysay ee wasaaradda caafimaadka, waxaa laga diiwaan-geliyay 9,190 kiisas Covid-19 ah, 367 dhimasho iyo 4,230 kabasho ah.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM