Soomaaliya oo hirgelisay qalab muhiim u ah xakameynta Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay heshay qalab lagu baaro fayruska safmareenka ah ee Corona, kaas oo todoba kiis laga xaqiijiyey gudaha dalka, illaa iyo hadda.

Wasiirka Caafimaadka ayaa shaacisay in Sheybaarka Dhexe ee Qaran oo dib-u-habeyn lagu sameeyay uu wixii haatan ka dambeeya awood u leeyahay in uu xaqiijiyey kiisaska xanuunkaas dilaaga ah.

"Waa muhiim in baaritaanka dalka gudihiisa lagu sameeyo, sababtoo ah mar walba ma sameyn kartid baaritaan badan, cadad badan dibada uma diri kartid. Ilaahey ha naga haayo cudurkan labada shey ee ugu daran waa ka hortagga iyo xakameynta. Inaan helnana qalab lagu baaro muhiimada ay leedahayna waa taas; in cudurkii laga hortagi karo lana xakameyn karo si uusan u fidin," ayay Fowziya Abiikar Nuur u sheegtay warbaahinta gudaha.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka iyo hay'addo kale oo maxali ah ayay tilmaamtay in ay gacan ka geysteen hirgelinta qalabkaas. Waxay intaas ku dartey in ay dibada ka sugayaan qalab kale.

Makiinadaas oo ay ku deeqeen saaxiibadda caalamka ayaa gaaraya saddex xabo, waxaana qorshuhu yahay in la geeyo qaar kamid ah magaala madaxyadda dowlad goboleedyadda, sidda wasaaraddu sheegtay.

"Guul, talaabo horey loo qaadey"

Fowziya ayaa xustey in Sheybaarka Dhexe ee Qaran ay ku baareen 15 kiis; si loo xaqiijiyo ay u diri doonan sheybaarka ay hay'adda WHO aqoonsan tahay ee Nairobi.

Cabdirisaaq Yuusuf Axmed, afhayeenka wasaaradda caafimaadka ahna madaxa dhakhaatiirta loo xushay la tacaalida caabuqa oo u waramay BBC-da, ayaa "guulo iyo talaabo horey loo qaadey" ku qeexay hirgelinta.

"Waxaa xusid mudan in dalal kale aysan wali gaarin in gudahooda ku baaraan, marka Soomaaliya waxay u tahay guul iyo talaabo horey loo qaadey in ay heshay qalabka," ayuu hoosta ka xariiqay.

Howlwadeeno caafimaad oo u tababaran ku shaqeynta Sheybaarka ayuu caddeeyay in ay joogaan, wuxuuna meesha ka saarey in ay jirto baahi dhanka shaqaalaha oo xarumaha karantiilka ka taagan.

Sidda uu ka dhawaajiyey Cabdirisaaq, marka ay ka gudbaan xaqiijinta WHO, waxaa natiijada qofka laga baaro xanuunka lagu ogaan karaan hal maalin. Intaas waxaa wehlisa, halkii qalab wuxuu maalintii baari karaa 90 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM