Soomaaliya oo isu soo sharaxeysa xubinimada golaha ammaanka UN-ka
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay isu soo sharaxdo xubinimada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay sanadka 2023, sidda ay shaacisay Madaxtooyada Qaran.
War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in eragada xukuumadda Muqdisho ku metasha Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ay wadaan dedaalo lagu hirgelinayo hiigsigaas.
Dhawaqaan ayaa kusoo hagaagaya xilli dalka uu ku guuleystay madaxweyne ku xigeenka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay gaar ahaan shir gudoonka 75aad ee sanadka 2020-21.
Xilli ay noqoneyso markii ugu horeysay muddo 33-sano ah kadib, Abuukar Daahir Cusmaan [Baalle], safiirka Soomaaliya u qaabilsan UN-ka, ayaa xilkaas ku metali doono waddanka dhaca Geeska Afrika.
Diblumaasiyiinta Soomaaliya ee xilkaan soo qabtay waxaa kamida; Xasan Cilmi (1963-64), Cabdirisaaq Xuseen iyo Axmed M. Aadan [Qaybe] (1979-1980) iyo Cabdullaahi S. Cusmaan (1986-87).
Volkan Bozkır, oo u dhashay dalka Turkiga, ayaa sanadkan loo doortay madaxweynaha fadhiga 75aad ee Golaha Guud ee UN-ka. Diblumaasiga waa ergayga Ankara ee Qaramada Midoobay.
Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyo ku aadan "guushaan diblumaasiyadeed" u diray madaxda iyo shacabka ayaa danjire Baale ka dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha iyo hiigsiga 2023-ka.
"Dhankiisa, Danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey," ayay Villada tiri.
Golaha Ammaanka waa waaxda fulinta ee Qaramada Midoobay, waxaana xubin ka ah 15 waddan oo shan kamida ay joogto yihiin, halka 10-ka kale loosoo doorto si sanad leh. In Soomaaliya kusoo bixi karto lama saadaalin karo.
GAROWE ONLINE