Soomaaliya oo ka hadashay shil tareen kana dhacay Masar

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxayka tacsiyeysay shil tareen oo ka dhacay waddanka Masar kuna dhinteen 32 qof oo kamid ahaa rakaabkii la socday.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda xil-gaarsiinta oo war-saxaafadeed kasoo saartey dhacdadaas ayaa daaha ka rogtay in ay murugada la wadaageyso dowlada iyo shacabka.

Shilkaas oo ka dhashay laba tareen oo isku dhacay ayaa duhurnimadii Jimcada todobaadkii hore waxaa laga soo wariyey degmada Tahta ee gobolka Sohag

"Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo Dadka aanu walaalaha nahay ee Masar kadib dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shil labo tareen oo iskugu dhacday degmada Tahta ee gobolka Sohag duhurnimadii maanta," ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Soomaaliya waxa ay muujineysaa sida ay u garab taagan tahay Masar si ay uga gudubto saameynta masiibadan weyn, iyadoo u rajeynaysa dadka geeriyooday inuu Allah u naxariisto, kuwa dhaawacmayna caafimaad degdeg ah ugu deeqo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelladooda, qaraabadooda iyo inta jecel".

Sidda ay tabisay saxaafadda maxaliga ah oo soo xiganeysa muuqaal lagu baahiyey baraha bulshadda, kahor isku-dhaca laba tareen waxaa aaga ku rogmaday saddex gaari rakaab ah.

Muuqaalkaas oo aad loo faafiyey wuxuu sidoo kale tusinayaan rakaab miyir-beelay iyo qaar dhiig-baxaya. Shaqaalaha gurmadka deg-deg ah waxay ku howlan yihiin samata-bixinta dhibaneyaasha.

Sanadkii 2002-dii, in ka badan 300 qof ayaa ku naf-waayey markii uu dab-qabsaday tareen kasoo baxay caasimadda Qaahira kuna sii jeeday koonfurta. Waana shilkii ugu dhimashada badnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM