Soomaaliya oo kalsoonida kala noqotay ciidanka Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waydiisatay urur goboleedka IGAD in uu ka laabto warbixinta ay soo saareen Guddiga xaqiiqo raadinta ee Jamhuuriaydda Jabuuti ay hogaamineyso.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed ay qortay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, xukuumadda Muqdisho ayaa codsaneysa in la saaro guddi kale oo ay u siman yihiin dhamaan wadamadda xubnaha ka ah ururka.

Muqdisho ayaa rumeysan in Kenya ay "gabi ahaanba ku gacan-sareysay macluumaadka ku jira warbixintaas" ku saabsaneyd xiisadda ka oogan labaddan ee deriska ah wajahayana khatarta ururka Al-Shabaab.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in ay kalsoonidii kala laabatay ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah AMSIOM.

Hasa ahaatee, dowladda ayaan soo hadal-qaadin dalabkeeda ku aadanaa in in ciidamadda Kenya ay ka hayaamaan dalka, taas bedelkeed, waxay ku eedeysay Kenya in ay askarta "u adeegsaneyso danaheeda qaranka".

Maamulka madaxweyne Farmaajo ee muddo xileedkiisa dastuuriga ah ay ka harsan tahay maalmo qura ayaa u muuqda mid doonaya in ololaha qorshihiisa dib-u-doorashadda uu ku milo la dagaalanka Kenya.

Ololihii doorashadda ee 2016-kii, madaxweyne Farmaajo ayaa aad ugu ololeeyay diidmo xoogan oo ka dhan ah Itoobiya oo haatan kamid ah wadamada saaxiibada ugu dhow la lah kalana shaqeyneysa in uu soo laabto.

Qoraalka dowladda Soomaaliya

Image

Image

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM