Soomaaliya oo lagu daray "horyaalka dalalka ay burburiyeen argagixisada"

Image

ABUJA, Nigeria – Nigeria ayaa waxay kamid noqotay "horyaalada wadamada ay cagta mariyeen kooxaha argagixisada sidda Soomaaliya, Ciraaq, Afghanistan iyo wixii lamid ah," sidda ay ka dhawaajiyeen siyaasiyiin mucaarad ah.

Siyaasiyiintan ka tirsan Xisbiyada Dimuqraadiyada Dadka ee Nigeria ahna Gudoomiyeyaal Gobol ayaa ku eedeeyay dowladda madaxweyne Maxamaduu Buhaari in ay ka gaabisay la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Aminu Tambuwal oo ku jiray siyaasiyiintaas ayaa carabka ku adkeeyay in Boko Xaraam iyo kooxaha kale ee burcada ay ka faa'iideysanayaan "beenta dowladda iyo qorshe xumida" Golaha Barwaaqa-sooranka ee Buhaari.

Qoraal wadajir ah oo ay kasoo saareen mudada xileedka dhamaadka ah ee dowladda Buhaari ayay kusoo bandhigeen "qaladaadkii ka dhacay".

"Waddankeena wuxuu maamulkan u horseeday iskoorkii ugu sareeyay ee argagixisada caalamka, isagoo 2016-kii gaarey 9.01%, halka 2018 uu ahaa 8.6% xilli qiimeyntii 2010 ay ahayd 6.31% iyo 2012 oo ahayd 7.9%; wax walba waxay is badaleen markii uu awooda qabtay taliska talada haya," ayuu yiri.

Tambuwal ayaa intaas ku daray: "Waa nasiib darro in xaaladan ay qarankeena ku darto horyaalka wadamada ay sidda qotoda dheer u burburiyeen argagixisada sidda Afghanistan, Ciraaq, Soomaaliya iyo wixii kaloo lamid ah".

Boko Xaraam oo aad ugu xoogan gobolada waqooyi bari, waqooyi-galbeed iyo qaybo kale oo kamid ah Nigeria ayaa fulisa weeraro aad u culus.

"Dowladda waxay ku fashilantay in ay shacabka Nigeria ka kaafiso arrimaha ammaanka iyo guud ahaan nolosha dadkeena oo haatan ku nool wax ka hooseeya 1.9 Doolar qofkiiba," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM